Shirkii Jabuuti ka dhacay iyo xogta qarsoon ee laqariyey

 


 Shirkii ay isugu tageen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka“Somaliland“. Dawladda Federaalku in ay ugu yeedho maamulka Hargeysa ”Dawlad“ waxay la mid tahay sida Dawladda Puntland oo wax sidaasi u sii ridan maaha, oo maaha dawlad la aqoonsan yahay waana sababta looga reebay ”Jamhuuriyadda“ ”Somaliland“ waxaana lagu qanciyey in sida maamul goboleedada Soomaaliya Dawlad loogu yeedho, iyaguna ay shacabkooda Burco iyo Hargeysa ugu qanciyaan, laakiin xaqiiqada jirtaa maxay tahay?

Maamulka Hargeysa wuxuu garowsaday in la soo gaadhay xilligii uu dib ugu soo noqon lahaa dhabta Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo shirka ku dhaw in Muuse runta loogu sheegay in uu maanta gacanta ku hayo inta ay degaan beelaha Isaaq, Ciise iyo Samaroon, haddana uu jiro xuduud beeleedyo u dhexeeya beelaha Harti iyo Isaaq dagaalkii uu galayna guul daro kala kulmay sidaasi daraadeed hadda ay wadahadalkan ku fadhiyaan iyaga matelaya inta ay degto beeshiisu.

Inta badan qodobada laga wadahalay waxay ahaayeen waxyaalihii hore looga wadahadalay, qodobkan ku saabsan in garowshiinyo laga bixiyo wixii hore uga dhacay Burco iyo Hargeysa, Dawlad kasta oo Soomaaliya oo la fadhiisataa garowshiinyo ayey ka bixisaa, laakiin ma qancaan reer Burco iyo reer Hargeysa ,Farmaajo ayaa ugu danbeeyey oo ku yidhi walaalayaal raali ahaada, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hore ugu yidhi isaguna, maanta qalad ayey ahayd in dawladda Xasan Shiikh Maxamuud garowshiinyo bixiso, iyaga oo og xasuuqa uu geystay Muuse Biixi muddada sagaalka bilood ah, wuxuu ahaa qodob ay dawladda Federaalku ku dhaliilan tahay.

Arrimaha masiiriga ah ee loo gudbayo waa kuwo lagu soo xero gelinayo maamulka godoonka ah, oo intii lagu celiyey Oog ciidankiisuna jabay aan wax saamayn ah ku lahayn deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, oo uu markii hore sheegan jiray in uu xukumo, miisaanka u yeeli jiray.

Way jirtaa in Maraykanku xiisaynayey garoonka iyo dekadda Berbera, laakiin intii dagaalku ka dhacay Laascaanood waxay Maraykanku hakiyeen xiisaha ay u qabeen Berbera, bishii Labaad ee sanadkan ayey ahayd markay joojiyeen dhoolatuskii ay Berbera ka samaynayeen, haddana Maraykanku wuxuu u arkaa maamul fashilmay oo aanay xiisaynayn in ay la falgalaan, ololihii Muuse Biixi qaaday ee looga loobin gareeyey Kongarayska Maraykanka waxaa soo afjaray olole kale oo ay qaadeen bulshada SSC iyo saaxiibadood iyo ceebtii ka raacday maamulka Hargeysa dagaalkii Laascaanood oo Adduunka gaadhsiiyey xaaladda dhabta iyo golaha ammaanka Qaramada midoobay oo arrimahan gaadheen, waana sababaha keentay in midnimada Soomaaliya soo degdegto, Muusena ku doonayo in uu hadda dhaqaale badan oo dawladda dhexe hayso ku helo iyo amaahda Soomaaliya la siinayo in ay qayb ka noqdaan.

Qodobka ku saabsan kawada shaqaysta nabbadda, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ahi madaxweynaha Jabuuti wuxuu aad culayska u saaray isaga oo taageero ka haysta IGAD 25. Ogos maalmo yar ka dib in uu Laascaanood iyo Hargeysa isaga dab qaado, Laascaanood waa laga soo dhaweeyey arrintaasi , laakiin Muuse Biixi ayaa diiday, wuxuuna dareensanaa guul darada ku habsatay, Xasan Shiikh Maxamuudna wuxuu casuumay Khaatumo ,wuxuuse Xasan aad culayska u saaray in Khaatumo dabacsanaantu ka timaado oo inta aan wadahadalka la bilaabin maxaabiista la siidaayo, arrintaasi maamulka SSC-Khaatumo wuu diiday, waana sababta keentay cadaadis in uu ka yimaado Ingiriiska oo soo dhex maraya Xasan Shiikh Maxamuud. Arrinta nabadda ee labada dhinac ee Hargeysa iyo Laascaanood waxay ka mid ahayd qodobada ay ka wadahadleen dhinacyada ku kulmay Jabuuti, arrinta ugu weyna waxay ahayd in Muuse Biixi loo sheego in uu miiska wadahadalka yimaado, madaxweynaha SSC-Khaatumana Cabdiqaadir Axmed AwCali uu sheegay in ay diyaar u yihiin in 20 maxbuus oo dhinaca walba soo deynayo laga wadahadli karo.

Maalmaha soo socda waxaa dhici karta in la arko maxaabiis lays weydaarsado si wadahadal loo bilaabo nabbadna dhinacyada Laascaanood iyo Hargeysa loo dardar geliyo, taasina ay ku soo af godo marka danbe in midnimo Soomaaliyeed laysugu yimaado oo Isaaq oo dhan ama isaga oo beelo ah dawladda ku soo biiraan, Muuse Biixise wuxuu maalmahan malayshiyo badan ku soo daabulayaa deegaanka laysku hor fadhiyo waana suurta gal in mar kale dagaal uu Muuse soo qaado qarxo

 W/Q: Asad adaani ibraahim

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post